Public Health Field

Public Health Field.


Ardayda kulliyada Caafimaadka Bulshada ( Public Health Semester 7) ee Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ayaa safar booqasho ah ku tagey magaalada Karin oo ka tirsan Gobalka Bari.
Aradaydu waxay bulshada ku wacyigaliyeen habka saxda ah ee loo isticmaalo cayayaan dilaha (Proper Use Of Insect-side), in la dhawro nadaafada biyaha illaha ka imaanaya (Water Sanitation and Hygiene) iyo in bulshadu ay ka faa’iidaystaan talaalka xanuunka Covid-19. Sidoo kale waxay kulliyadu bulshada u sameysay adeegyo baaris caafimaad oo la xiriira cabiraada dhiig karka, sonkorta iyo cabirka heerka nafaqo ee qofka. Intaas kabacdi waxay ardaydu u qaybiyeen bulshada Afxir (Face-mask) iyo ORS iyagoo mid walba sharaxaad buuxda ka siiyey habka saxda ah ee loo isticmaalo.