Baaq Nabadeed

Baaq Nabadeed

بسم الله الرحمن الرحيم Baaq Nabadeed


Bahda Jaamacadaha magaalada Boosaaso waxa ay ku baaqayaan Ilaalinta nabadda iyo uturidda shacabka ku dhaqan magaalada, sidoo kale waxaan ku boorinayaan shacabka in ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida.
Bahda Jaamacaduhu waxa ay ku baaqayaan in xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso lagu dhammeeyo sifo kasta oo aan ahayn gacan ka hadal, maadaama aynu wada ogsoonnahay dhibaatada ka dhalan karta nabad la’aanta.
Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada magaalada oo halbawle u ah dhaqaalaha iyo waxbarashada Puntland, ayna ku noolyihiin dad fara badan oo danyar ah.
Ugu dambayn Bahda Jaamacaduhu waxa ay ka codsanayaan dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso, gaar ahaan; Madaxda dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada in ay ilaalashadaan nicmada amni ee Ilaahay siiyay.
Baaqaan waxa soo wada saaray Jaamacadaha kala ah; Jaamacadda Badda Cas, Jaamacadda Bariga Afrika , Jaamacadda Boosaaso iyo Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Wabillaahi Towfiiq

SEEDS OF PEACE

Leave a Reply

Your email address will not be published.